Axmed Madoobe oo xeer Madaxweyne kusoo saaray labo degmo oo lagu soo kordhiyay Jubaland

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xeer Madaxweyne kusoo saaray labo degmo oo cusub oo lagu soo kordhiyay Jubaland kuwaas oo kala ah Dhoobley iyo Buurdhuubo oo ay horay usoo gudbiyeen golaha wasiirada kadibna ay ansixiyeen xildhibaanada golaha wakiilada.

Madaxweynaha ayaa faray dhammaan laamaha kala duwan ee Dowlada inay degmooyinkan cusub gaarsiiyaan adeegyada muhiimka ah taas oo ay ku jirto dhismaha golayaasha deegaanka si shacabku ay usoo doortaan dadkii matali lahaa.

- Advertisement -