Sweden oo ku qasban fulinta shuruud adag oo Turkigu xiray iney ku biirto NATO

Ra’iisul Wasaaraha Sweden Magdalena Andersson ayaa diiday inay beeniso sheegashada Turkiga ee ah inay Sweden ballan qaaday inay masaafuriso shakhsiyaadka ay Ankara raadinayso in loosoo gacangeliyo.

Inkastoo uu jiro walaac ay qabaan kurdiyiinta iyo Turkiga qaxootiga ah ee ku nool Sweden, Anderson ayaan ka jawaabin haddii ballan noocaasi ah loo sameeyay Ankara, si ay ugu oggolaato Sweden inay ku biro isbahaysiga NATO.

“Waxa aan wasiir ahaa muddo 8 sana ah, waligeyna kama aanan hadlin waxyaabaha looga hadlo qolka wada xaajoodka,” ayay tiri.

Heshiis ay Talaadadii Stockholm iyo Helsinki ku saxiixdeen shir madaxeedkii NATO ee ka dhacay magaalada Madrid ayay labada dal ee Waqooyiga Yurub ayaa aqbalay in ay si degdeg ah oo laga baaraandegay u baaraan codsiyada dad isu-celinta ee kaga imayana Turkey.

Ma jirto wax ballan ah oo si dhab ah loo sameeyay, iyadoo Finland iyo Sweden ay sheegeen in hannaanka dad isku celintu uu yahay mid ay ku shaqo leeyihiin hey’adaha dowladda iyo maxkamadaha madaxa bannaan.

Laakin madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa Khamiistii ka sheegay gabagabadii shirka NATO in Sweden ay ballan qaaday in ay usoo gacan geliso 73 argagixiso ah sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna ku hanjabay in uu is hortaagi doono in ay Sweden NATO ka mid noqoto haddii aysan ballantaasi fulin.

Andersson oo suaalo dhowr arrintan laga weydiiyay ayaa ku celisay mowqifka Sweden, iyadoo sheegtay in ay sii wadi doonaan in ay xushmeeyaan sharciyada dalkeeda iyo kuwa caalamiga ah, islamarkaana aan muwaadin Swedish ah la dhiibi doonin, oo ay howshaasi u taallo maxkamadaha.

- Advertisement -