Somaliland oo sii deysay weriyeyaal ku xirnaa xabsiga Magaalada Hargeysa

Maamulka Somaliland ayaa Xabsiga magaalada Hargeysa ka sii daayay labo weriye oo horraantii bishii Abriil lagu xiray magaaladaas

Maxamed Cabdi Ilig iyo Cabdijabaar Maxamed Xuseen ayaa la sii daayey ka dib markii sida la sheegay uu cafis u fidiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa la xiray labada weiye 13kii Abriil, xilli ay tebinayeen shaqaaqo ka dhacday jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

Weriyeyaal kale ayaa weli xiran maamulka Somaliland kuwaasoo ay ka mid yihiin Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ay maxkamad xukuntay, Xamsa Geelle iyo Muxyadiin Aadan Ismaaciil.

Maamulka Somaliland ayaa inta badan falal caburin ah kula kaca warbaahinta madaxa banaan, waxaana xariga weriyeyaasha uu uu halka ahaa in muddo ahba mid joogto ah.

 

- Advertisement -