Dowladda Soomaaliya oo kordhisay qiimaha Xajka lagu tagayo sannadkan (Akhriso)

Wasaaradda Awqaaft iyo arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sannadkan kordhisay lacagta laga qaadayo dadka doonaya in ay sannadkan soo gutaan waajibaadka xajka.

Guddiga tartanka adeega xajka ee wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shaaciyay in sannadkan is bedel ku yimid qiimaha ku baxaya dadka doonaya in ay soo xajiyaan.

Qoraal kasoo baxay guddigan ayaa lagu sheegay in qof kasta oo sannadkan gudanaya waajibaadka xajka laga doonayo lacag gaareysa $5,230 halka sannadihii hore laga qaadi jiray lacag dhan $3,800.

 

- Advertisement -