Ciidamada ammaanka oo Fashiliyay qarax waxyeelo lagu geesan lahaa (Sawirro)

Ciidanka hay’adda Nabadsugida Jubbaland ayaa ku guuleystey  fashilinta iyo soo bixinta qarax Miino oo lagu aasay goob kamid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Qaraxan miino ayaa lagu wargaliyay laamaha ammaanka magaalada Kismaayo, waxa ayna ciidamada oo soo gaaray goobta lagu aasay qaraxan ku guuleesteen in ay kala fur furaan kana saaraan goobtaasi lagu qariyay.

“Waxaan u mahadcelineynaa shacabka sida hagar la’aanta ah ula shaqeynaya hay’adaha amniga sida joogtada ahna ula soo wadaagaya waxyaabaha lidiga ku ah amniga si ay uga hortagaan ugana badbaadiyaan dadka iyo dalkaba.” Ayaa lagu yiri war kasoo baxay Nabadsugida Jubbaland.

Magaalada Kismaayo ayaa marar badan xaafado kamid ah waxaa ka dhacay qaraxyo miino oo dhaliyay khasaaro kala duwan, waxa ay sidoo kale ciidamada ammaanka ku guuleesteen in fashiliyaan qaraxyo kale inta aysan waxyeelo geesan.

- Advertisement -