Maxaa ka jira in Guddiga doorashada qorsheeyeen in ay fasaxaan Kursigii Fahad Yaasiin ?

Waxaa xalay soo shaac baxay warar sheegayay in guddiga doorashada heer federaal ay qorsheenayeen in ay fasaxaan kursigii horey u hakiyeen uu ku guuleestay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.

Warkan markii uu soo baxay ayaa daqiiqado kadib Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble soo saaray qoraal uu ku kala diray guddiga doorashada oo horey shaqadooda usoo dhammaatay.

Guddiga doorashada ayaa dhankooda soo dhaweeyay go’aanka Ra’isul Wasaare Rooble ku kala diray, waxa ayna guddiga uga mahadceliyeen Ra’isul Wasaaraha garab istaagii uu u muujiyay iyo sidii gacan uga geestay qabsoomida doorashada.

Dhinaca kale Gudoomiyihii guddiga doorashada ee heer Federaal, Muuse Geelle Yuusuf ayaa beeniyay wararka sheegayay in guddigooda qorsheenayay in ay fasaxaan kursigii horey doorashadiisa u laaleen ee HOP86.

Waxa Muuse Geelle been abuur ku tilmaamay in qorshaha ugu jirtay kahor inta aan lakala dirin in ay dib u fasaxaan kursiga HOP086 ay horey u laaleen natiijadiisa kuna baaqeen in doorashadiisa lagu laabto.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Heer Federaal ayaa sheegay in ay soo dhaweeenayaan kala dirida guddiga, waxa uuna cadeeyay in mar hore shaqadooda soo dhammaatay, waxa uuna xusay in kursiga harsan ay ka tashanayaan reerka iska leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -