Waxaa goordhaw soo dhammaatay wareegii koobaad ee tirinta codadka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay ku tartamayeen ilaa 36-musharax oo hami badan ka leh ku guuleesiga xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Doorashada ah oo ah mid xiiso iyo xamaasad badan ayna ku tartamayaan musharaxiin badan oo qaarkood saameyn leeyihiin ayaa waxaa ku haray wareega koobaad musharaxiin qaarkood loo saadaalinayay ku guuleesiga Madaxweynaha.
Wareega koobaad ee doorashada Madaxweynaha waxaa hoggaaminaya Madaxweynaha Puntland Siciid Cabddulaahi Deni oo helay 65-cod halka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu isna helay 61-cod, waxaana kusii xiga Xasan Sheekh oo helay 52 cod halka Xasan Cali Kheyre oo afaraad galay helay 48-cod.
Doorashada wareega labaad waxaa u gudbay afarta musharax ee ugu codadka badan doorashada kuwaa oo kala ah Siciid Deni, Farmaajo, Xasan Sheekh iyo Xasan Cali Kheyre, afartan musharax ayaana u gudbi doona wareega labaad.
Musharaxiinta ayaa codadka u kala helay sida tan
1-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59-cod
2-Xasan Cali Kheyre 48-cod
3-Shariif Sheekh Axmed 39-cod
4-Xasan Sheekh Maxamuud 52-cod
5-Saciid Cabdullaahi Deni 65-cod
6-Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 15-cod
7-Cabduqaadir Cosoble Cali 12-cod
8-Cabdiraxman Macali Axmed Ablaal 2-cod
9-Thaabit Cabdi Maxamed 1-cod
10-Axmed Cudaale Geelle Xaaf 1-cod
11-Fowsiyo Yuusuf Xaaji 1-cod
12-Cabdi Aadam Hoosow 0-cod
13-Cabdi Cali Xasan 0-COD
14-Maxamed Cabdi Kuusow 0-COD
15-Cabdinuur Sheekh Maxamed 2-COD
16-Cabdiraxman Maxamed Cabdi 0-COD
17-Cabduqaadir Xuseen Jaahweyn 0-COD
18-Cabduqaadir Shekh Cali Bagdaadi 0-COD
19-Cabdullahi Cali Axmed (Cadow Gees) 8-COD
20-Cabdulahi Cali Xasan 0-cod
21-Abuukar Aadan Cabdulle 0-COD
22-Bashir Xaaji Cali 2-COD
23-Xuseen Cabdi Nuunow 0-COD
24-Jamal Axmed Ibrahim 0-COD
25-Mahad Axmed Diiriye 0-COD
26-Maxamed Cabdiraxman Cali 1-COD
27-Maxamed Amiin Faarax 0-COD
28-Maxamed Daahir Aweys 0-COD
29-Mukhtar Maxamed Sayid 0-COD
30-Nucman Sheekh Cumar 0-COD
31-Cumar Cabduqadir Fiqi 0-COD
32-Cusman Xasan Bariise 0-COD
33-Ridwan Xirsi Mohamed 0-COD
34-Saciid Ciise Maxamuud 1-COD
35-Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi 0-COD