Goobta ay ka dhaceyso Doorashada Madaxweynaha oo la diyaariyay (Sawirro)

Guddiga isku dhafka ah ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo bandhigay goobta ay ka dhaceyso doorashada oo ah teendhada Afisiyooni ee ku dhaxtaala garoonka Aadan Cadde.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ka dhacdo 15-ka bishan oo ku beegan maalinta axada, waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada.

Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankooda wada ololhii ugu dambeeyay ee doorashada, waxaana kursiga ugu sareeya dalka u taagan 39-musharax ay ku jiraan kuwa saameyn badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -