Farmaajo iyo Musharaxiin kale oo saameyn leh oo maanta Barnaamijkooda Siyaasadeed jeedinaya

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale dhageesanaya barnaamij siyaasadeedka ay soo bandhigayaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya .

Waxaa maanta la filayaa in Xildhibaanada labada Aqal la hadlaan una bandhigaan barnaamij siyaasadeedka u qorsheesan musharaxiin gaaraya 19-Musharax ay ku jiraan Madaxweyne Farmaajo iyo madaxdii hore ee Dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh.

Waxaa si weyn loo sugayaa khudbada uu maanta jeedin doono musharax Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday mar kalana u sharaxan qabashada xilka Madaxweynaha.

Farmaajo ayaa ballanqaadyo badan uu horey u sameeyay markii uu musharaxa ahaa ayaan fullin inta badan ballamadii uu qaaday, waxaana mar kale la dhageesan doonaa ballanqaadyada kale uu sameyn doono.

Musharaxiinta kale ee hadal jeedintooda la sugayo waxaa kamid ah Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, waxaa sidoo kale iyana la sugayaa khudbada uu jeedin doono Musharax Saciid Deni Madaxweynaha Puntland.

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaa isku soo taagay 39-musharax ay ku jiraan madax hore iyo siyaasiyiin saameyn leh, waxaa sidoo kale musharaxiinta ku jira kuwa siyaasada ku cusub oo qaarkood yihiin CV-raadis.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -