Hadal heyn ka dhalatay kulankii Shiikh Aadan Madoobe la qaatay Saraakiisha ciidamada

Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay kulankii galabta dhexmaray Gudoomiyaha golaha shacabka iyo saraakiisha laamaha amaanka ka dib markii lagu arkay kulankaas Yaasiin Farey oo ahaa taliyaha KMG ah ee NISA.

Yaasiin Farey oo ku soo baxay kursi doorashadiisu muran dhalisay ayaa maalmo ka hor loo dhaariyey Xildhibaan ka tirsan baarlamanka Somalia, isagoo ka  codeeyey doorashadii gudoonka golaha shacabka

Dhaarta iyo qaadashada aqoonsiga xildhibaanimo ayaa ka dhigan in Yaasiin Farey uu waayey xilkii taliyaha KMG ah ee NISA maadaama qaanuunka dalka uusan ogoleyn in Xildhibaan Qaran uu qabto xil ka hooseeya heer Wasiir.

Dad badan ayay arrintan yaab ku noqotay, kuwaasoo talaabadan ka tilmaamay “La jiifiyaa banaan, la joojiyaana banaan”

Arrintan ayaa sawir cad ka bixineysaa sida qaawan ee loogu tuntay sharciga iyo heykalka dowladnimo ee Somalia, waxaana la isweydiinayaa sida Xildhibaan Qaran iyo taliye ciidan uu hal shaqsi u wada noqon karo

Jen. Bashiir Goobe iyo Xildhibaan Sambaloolshe oo sanado ka hor labo xili loo kala magacaabay Xilka taliyaha NISA ayaa markii ay xilkaas qabteen iska casilay kuraastoodii xildhibaanimo ee golaha shacabka, waxaana buuxiyey xubno kale oo ay heyb wadaag yihiin.

- Advertisement -