Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Hogaamiyaha ugu sareeya Maamulka Taliban oo markii 2aad fagaare lagu arkay

Hoggaamiyaha ugu sarreeya Maamulka Taliban ee dalka Afghanistan ayaa ka soo muuqday muuqaal naadir ah iyadoo ammaanka aad loo adkeeyay xuska Ciiddul Fitriga.

Waxa ay ahayd markii labaad oo la xaqiijiyay in uu goob fagaare ah kasoo muuqdo tan iyo markii uu la wareegay talada Taliban sanadkii 2016-kii.

Mullah Hibtullah Akhundzada sheegay in kumanaan qof oo ku cibaadeysanayay masaajidka Eidgah ee koonfurta magaalada Kandahar ee Afgaanistaan ay heleen xoriyad iyo amni tan iyo markii Taliban ay xukunka dib la wareegeen bishii Ogosto ee la soo dhaafay.

Ma uusan soo hadal qaadin mowjado qaraxyo ah oo ay ku dhinteen tobannaan qof oo reer Afgaanistaan ah bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

Related posts

Mareykanka oo heegan galiyay Ciidamo uu u dirayo magaalada Khartuum

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Kheyre oo Gudoomiyay kulan looga hadlay arin muhiim ah (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Madaxdii ka hadashay Caleemo saarkii Garawe oo Fuliyay hal balan ay ka qaadeen Madaxweyne Deni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---