Gaari siday siday Waxyaabaha qarxa ay ku jiraan jaakado iyo ragii la socday oo la qabtay

Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa duleedka Guriceel ee gobolka Galgaduud ku qabtay gaari la sheegay in ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa oo isugu jiray jaakadaha qaraxyada loo adeegsado iyo sidoo kale qaraxyada baabuurta lagu xiro.

Gaarigan oo la sheegay in uu ka yimid deegaanka Dhagaxyaale ee kuyaala duleedka magaalada Guriceel ayaa ciidamada milatariga gacanta ku dhigeen, waxaana gaarigana la socday labo nin oo ciidamada hada baaritaan ku wadaan.

Sargaal katirsan ciidanka qeybta 21-aad ee milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in xogta gaariga ka heleen dadka deegaanka, waxa uuna xusay in gaariga qabteen markii uu soo gaaray duleedka Guriceel.

“Qaraxyada waxay isugu jiraan kuwa baabuurta lagu dhejiyo iyo jaakadaha ka sameysan qaraxyada, ee naftood halligeyaasha ay adeegsadaan, Ciidamada oo ka feejigan dhagaraha iyo shirqoolada ay maleygayaan nimankan cadowga ah baa waxay gacanta ku dhigeen gaarigan iyo raggii watayba.” ayuu yiri sargaalkan katirsan milatariga Soomaaliya.

Ciidamada milatariga oo kaashanaya kuwa nabad sugida ayaa baaritaano kuwada gaariga qaraxyada saarnaayeen ee la qabtay iyo ragii la socday, lamana oga ilaa hada bartilmaameedka qaraxyadan la qabtay iyo raga la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -