Shir Sanadeedka Dalladda Waxbarashada SAFE oo Muqdisho lagu qabtay (Sawirro)

Maanta oo taariikhda ku beegan tahay 31 Maarso 2022 ayaa Magaalada Muqdisho lagu qabtay Shir sanadeedka Dalladda Waxbarashada SAFE.

Shir Sanadeedka Dalladda SAFE waxaa looga hadlay waxqabadkii Dalladda SAFE ee Sanadkii tagay, Horumarka lagu talaabsaday iyo Caqabadaha hareeyey Waxbarashada gaar ahaan Waxbarashada gaarka ah oo mudooyinkaan dambe laga dareemayey, sidoo kale waxaa laga wada hadlay qorshayaalka sanadka 2022/2023, waxaana la isku raacay qodobada soo socda:

1.In la xoojiyo tayada waxbarashada.

2.In la dhiirigaliyo Dhaqanka iyo Aqlaaqda suuban lagana digo dhaqamada xun xun iyo fasahaadka oo bulshadeena ku soo kordhay mudooyinkaan dambe.

3.In la adkeeyo lana horumariyo xiriirka Hay’adaha waxbarashada dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

4.In la xoojiyo Barashada Qur’aanka Kariimka & Culuumtiisa, Axaadiista & Taariikhda Islaamka lana dhiirigaliyo dugsiyada bixiya culuumtaas.

5.Sidoo kale Dalladda Waxbarashada SAFE waxay baaq u direysaa dhamaan Umadda Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan in ay ka qaybqaataan gurmadka Abaaraha u gargaarida Walaalahooda tabaalaysan, ayagoo ka faa’ideysanaya fadliga bisha barakeysan ee Ramadaan.

6.Ugu dambeyn Shir saneedka Dalladda SAFE wuxuu hambalyo ku aadan Bisha Barakeysan ee Ramadaan u diray dhamaan Umadda Muslimiinta gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan ALLE ka baryeynaa in uu naga mid dhigo kuwii laagu dambi dhaafay, loogu naxariistay islamarkaana Naarta looga xureeyey, Aamiin Aamiin Aamiin.

Ugu Dambeyn Dalladda SAFE waxay baaq ku aadan mideynta codka Waxbarashada Gaarka ah u direysaa dhamaan hay’adaha waxbarashada gaarka ah, Shirka ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka shaqeeya,qiimeeya, fuliya qodobada kor ku xusan uu shirku isku raacay:

Xubnaha Gudiga waxay kala yihiin:

1.Dr. Maxamuud Maxamed Cabdullaahi—Gudoomiyaha Guddiga.
2.Eng. Xuseen Calas Cabdi–Gudoomiye ku Xigeen.
3.Dr. Maxamed Xasan Maxamuud—Xubin.
4.Sheekh Xasan Cabdulaahi Siyaad—Xubin
5.Prof Cashir Abdulaahi Maxamuud—Xubin

Shirka waxa uu ku dhamaaday Jawi Wanaagsan.

- Advertisement -