Hormuud Salaam Foundation Oo Deeq Gaarsiisay Xabsiga Dhexe Iyo Isbitaal Martini (Sawirro)

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa kaalmo bani’ aadanimo gaarsiisay xabsiga dhexe ee muqdisho iyo isbitaalka martiini qeybta ay daganyihiin Curyaamiinta kusoo naafoowday Dagaalkii 77.

Barnaamijkan ayaa qeyb ka ah mashruuca taakuleynta iyo afurinta dadka tabaaleysan iyo kuwa baahiya gaarka qaba oo hay’adu ay ugu talagashay in ay uga qeyb qaadato farxadooda inta lagu jiro Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxaana kamid ah deeqda la gaarsiiyay xabisga dhexe 5 Neef oo geela, raashiin ka kooban 100 Loor Bariis, 100 Loor Sokor, 100 Loor Bur, 500 KartoonTimir ah,1000 Liter oo saliid, 5 kartoon oo cabitaan ah, Kartoon Caleen shaah ah 1280 Macawis 1280 Funaanad iyo dharkii ay ku ciidi lahaayeen.

Gudoomiyaha Hay’adda Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nur Cusmaan oo faafahin kabixinayay Deeqdan ayaa sheegay in ay qeyb katahay deeqo kala duwan oo ay ugu tala galeen dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaana uu hoosta kaxariiqay in deeqda maanta ay bixinayaan ay ugu talagaleen maxaabiista kujirta xabsiga dhexe.

Taliye ku xigeenka Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Iyo taliyaha Xabsiga Dhexe ayaa kaga mahad celiyay Hay’ada Hormuud Salaam Foundation kaalinta ay ka qaadaneyso taakuleynta iyo afurinta maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe.

Dhinaca kale Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa Deeq lacageed oo gaareysa $5,000 iyo Timir waxa ay gudoonsiisay ciidamada naafada ee dagan qeyb kamid ah isbitaalka martini kuwaasi oo ladaalaa dhacaya xaalada kala duwan oo dhinaca nolosha ah.

Gudoomiyaha Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdullaahi Nuur Cusmaan oo kahadlay Munasabadii wareejinta deeqda ayaa faafahin kabixiyay kaalmada ay gaarsiiyeen ciidamada naafada xooga ee martini isagoo tilmaamay in kaalmadooda aysan ku ekaan doonin intaasi.

Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ayaa sanad waliba marka la gaaro Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay fulisaa Mashaariic isugu jirta taakuleen iyo afurin ay ugu tala gashay dadka danta yar iyo kuwa baahiyaha gaarka qaba waxaana Hay’adan sidoo kale ay ka qeyb qaadataa ugurmashada dadka saameenta ay kuyeeshaan Abaaraha iyo Daadadka, iyo sidoo kale xanuunada faafa.

- Advertisement -