Shirkadaha Diyaaradaha oo looga digay in Garbahaarey usoo qaadaan Guddigii uu Rooble Magacaabay

Maamulka degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa shirkadaha Diyaaradaha ee dalka uga digay in magaalada Garbahaarey usoo qaadaan guddiga qiimeynta xaaladda magaalada Gabahaarey uu dhawwaan magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble.

Masuliiyin katirsan maamulka Garbahaarey oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magaaladasai ayaa sharci daro ku tilmaamay guddiga Rooble magacaabay, waxa ayna uga digeen in ay yimaadaan xarunta gobolka Gedo.

Guddoomiye kuxigeenada maamulka degmada Garbahaarey ayaa sheegay in diyaaradii Garbahaarey keenta guddiga qiimeynta Garbahaarey in ay dib ugu celin doonaan Muqdisho ayna ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah.

Aadan Siraad Maxamuud oo kamid ah guddoomiye kuxigeenada maamulka Garbahaarey ayaa sheegay in maamulkooda isla qaateen in ay kahor tagaan in magaalada yimaadaan guddiga Rooble magacaabay uu ku tilmaamay sharci daro.

Waxa uuna si cad u sheegay Aadan  Siraad in magaalada Garbahaarey aysan imaan karin guddiga Rooble u magacaabay in qiimeeyaan xaalada Garbahaarey in doorasho ka dhici karto, waxa uuna xusay in kaliya ogol yihiin in magaalada yimaadaan guddiga doorashada.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka magaalada Garbahaarey ayaa kusoo aadaya xili lagu wado in berri magaaladaasi u duulaan guddiga uu magacaabay Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana suurto gal ah in safarkaasi uu dib u dhaco khilaaf jira owgeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -