Xabsigii uu ku xirnaa Nelson Mandela oo Habeenkii lagu seexanayo 250 kun oo Dollar

Dalka Koonfur Afrika waxaa lagu qabtay carwo weyn oo lagu kireynayay in la jiifto habeenkii xabsigii uu sanadaha badan ku xirnaa Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela .

Xabsigan uu ku xirnaa Mandela ayaa kuyaala jasiiradda Robben Island oo dhaw  magaalada Cape Town, waxaana halkii habeen xabsigan lagu seexanayaa lacag dhan 250-kun oo Dollar.

Halkii habeen ayaa xabsiga loogu tala galay in ay seexdaan 67-qof, waxaana qofka bixiya lacagta ugu badan habeenkaas seexanayaa isla qolkii lagu hayay Madela, wuxuuna ku jiifanayaa sariirtii Mandela.

Xabsigan ku yaalaa jasiiradda Robben Island, ayaa ahaa xabsi si weyn loo ilaaliyo, waxaana xabsigan uu ku yaalaa Jaziirad afarta dhinac biyo kaga hareereesan yihiin, waxa kaliya ee lagu tagi karo xabsigan ayaana ah gaadiidka badda.

Dalxiisayaal aad u badan ayaa xabsigan booqda maalin kasta, waxa ayna dadkan si gaar ah u xiiseeyaan sawirana kusoo galaan qolkii uu ku xirnaa Hogaamiyihii isbadalka dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela.

Jasiiradda Robben Island waxa ay noqotay goob Hiddo-Dhawr ah oo ay aqoonsantahay hay’adda dhaqanka ee Qaramada Midoobay ee UNESCO, waxkasta oo halkaas yaalana waxaa lagu illaaliyay shuruucda Qaramada Midoobay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -