Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo hakiyey dood xasaasi ah oo la xiriirtay

Midowga Afrika ayaa hakiyey dood ku saabsaneyd in Israa’iil lagala noqdo aqoonsiga, iyadoo uu ururku ka fogaadey haddii cod loo qaado mar kale, iney khilaaf ka dhex abuuri karto ururka.

Sanadkii hore, guddoomiyaha Midowga Africa, Mousa FakiMahamat, ayaa aqbaley kusoo biirista Israel ee ururka, iyadoo noqotey xubinta 55-aad inkastoo aaney cod ku laheyn.

Tallaabadaas ayaa si weyn waxaa ugga soo horjeestay Falastiiniyiinta, iyo dalal dhawr ah oo ay ku jiraan Algeria, iyo Koonfur Afrika.

Shirka madaxda Midowga Africa uga socda Addis ababa ayaa dhinaca kale cambaareeyey afgambiyada dhowaan ka dhacay galbeedka qaaradda.

Maalintii xiritaanka ee shir ayaa u qeybsanaha guddoomiyaha Midowga Africa dhanka arrimaha siyaasadda, nabadda iyo ammaanka, Bankole Adeoye, wuxuu sheegay in hoggaamiye kasta oo African ah oo ku jira golaha, uu si aan gabasho laheyn u cambaareeyey isbadal kasta oo ku yimaado hab ka baxsan dastuurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -