Ilaalo xoogan oo loo sameeyay beeraha ay ka baxaan Avocado-ha ee dalka Kenya

Milkiilayaasha beeraha lagu beero avocado-ha cagaaran ee dalka Kenya ayaa ku qasbanaaday in beerahooda u sameeyaan ilaalo hubeesan , kadib markii ay kordheen kooxaha burcada ah ee u dhaca beerahaasi.

Kooxo burcad abaabulan ayaa bilaabay in ay beegsadaan beeraha lagu beero avocado-ha si ay halkaasi uga gurtaan kadibna ugu suuq geeyaan wadamada Mareykanka iyo Yurub oo suuq cusub ka helay avocada-ha.

Dalka Koonfur Afrika ayaa sanadihii lasoo dhaafay ahaa suuqa ugu weyn ee Afrika ee dhoofiya qudaarta avocada-ha, hasa ahaatee dalka Kenya ayaa hada la wareegtay suuqaasi taas oo kordhisay baahida loo qabo qudaartan.

Milkiilayaasha beeraha ayaa hada bilaabay in ay kireestaan rag hubeesan oo burcada ka ilaaliya beerahooda, waxaana ilaaladan habeenkii oo dhan gaaf wareegaan  beeraha si ay uga ilaaliyaan burcada xatooyada dooneysa.

Avocado-da waxay u badan tahay in ka soo go’do Kenya inta u dhaxaysa Febraayo iyo Oktoobar – laakiin tuugadu waxay bartilmaameedsanayeen midhaha oo gaadhin xiligii ay soo go’i lahaayeen.

Dowlada Kenya ayaa mamnuucday in avocada-ha loo dhoofiyo dalka dibadiisa gaar ahaan wadamada reer galbeedka si ay u yaraato xatooyada lagu hayo beeraha lagu beero qudaartan sida weyn loo jecell yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -