Abdirahman Hija Mnubi oo ugu dambeyn isku dhiibay Booliska dalka Kenya

Nin ka tirsanaa Al-Shabaab oo Taliska Dembi-baarista Kenya ku dareen kuwa loogu doon-doonista badan yahay wadankaasi ayaa isku dhiibay Booliska Kenya.

Tani waxay timid saacado ka dib markii ay laanta dambi baarista Kenya ay baahisay magaciisa iyo sawirkiisa oo ay ku sifaysay “mid hubaysan oo khatar ah”.

Robert Gathogo Ngunjiri oo sidoo kale loo yaqaan Abdurahman Hija Mnubi, oo 27 jir ah, ayaa Khamiistii iska dhiibay Gobolka Nyeri isagoo sheegaya inaanu wax dembi ah lahayn.

Ngunjiri wuxuu ku noolaa xaafadda Baraka ee Kamakwa ee Nyeri. Saraakiisha ayaana sheegay in tuhmanaha uu is dhiibay kadib markii uu ogaaday in baadi goobayo

Waxaa loo taxaabay xabsiga si su’aalo loo weydiiyo, ayuu yiri sarkaal sare oo dambi baarista Kenya ka tirsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -