Allbanaadir.com
NEWS

Buundada Degmada Qoryooley oo caawa la bur buriyay iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in caawa dagaalyahano katirsan Al Shabaab qaraxyo ku xireen kadibna bur buriyeen buundada degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in ay maqleen qaraxyo miino kadibna ogaadeen in lagu xiray Buundada laguna bur buriyay, waxaana arintan walaac xoogan ku beertay shacabka kunool Qoryooley.

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdi Fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in caawa Al Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen Buundada degmada Qoryooley kuna bur buriyeen.

Waxa uu sheegay Gudoomiye kuxigeenka in Al Shabaab shalay isku dayeen in ay bur buriyaan buundada  balse ciidamada amaanka ka hortageen, waxa uuna intaa raaciyay in hada kala go’an tahay Qoryooley saameyn ku yeelaneyso buundada la qarxiyay.

Buundada Qorooley ee caawa la bur buriyay ayaa saameyn badan ku yeelaneysa isku socododa degmadaasi iyo deegaano ku xeeran, waxa ay sidoo kale arintan saameyn ku yeelaneysa gaadiid safarka ee degmadaasi sii mara.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo uga digtay Odayaal kasoo jeeda Galmudug Qorshe Al Shabaab diyaarinayaan (Sawirro)

Cabdi Cade

Hambalyada Meher ah oo loo dirayo Cabdixakiin Faarax Muudeey iyo Nasro Macalin Mohomuud

admin

Mareynkanka oo beegsaday labo Banki iyo xubno ka tirsan qoyska Madaxweyne Putin

Caydiid Ali
Taboola Ads ---