Dowlada Ethiobia ayaa markii ugu horeysay bilowday soo saaritaanka saliid Ceriin ah iyo shidaal dibiici ah ,waxaana laga soo saaray deegaanada dhaca bariga dalkaasi ee Kalub iyo Hilaal kuwaa oo ka tirsan dhulka Soomaali Galbeed.
Shirkadda mashruuca shidaal soo saarista qaadatay ee Poly-GCL waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo.
Jabhada ONLF oo u dagaalanta in Ethobia ka madax banaanaato dhulka Soomaali Galbeed ayaa kasoo horjeesatay shidaal ay dowlada Ethiobia dhulka Soomaalida kasoo saartay, waxa ayna ONLF sheegtay in hantidii Soomaaliyeed loo gacan dhaafay.
Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan Shidaalka ay Itoobiya kasoo saartay dhulka Soomaaliyeed iyada oon la xalin is maandhaafka Siyaasadeed, waxa uuna sheegay in nasiib daro tahay in hanti Soomaaliyeed dad kale lagu quudiyo.
“Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.
Waxa uu sheegay Afhayeenka ONLF in iyagu aysan Itoobiyaan aheyn kana mid aheyn dowlada Itoobiya, waxa uuna xusay in ay yihiin dad la heesto oo u dagaalamaya gobobanimo iyo Madax banaani.
“Anagu Itoobiyaan kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qoribaana lagu qabsaday walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha” ayuu yiri caddaani.
Dowlada Ethobia ayaa dhoofinta shidaalkan laga helay dhulka Soomaaliyeed waxay ay ka heli doonaan dhaqaale gaaraya 8 bilyan oo doollar sannadkiiba mar haddii ay bilawdo dhoofinta saliida, sida laga soo xigtay Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Ethiopia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com