C/raxmaan C/shakuur oo shaaciyey abaabul halis ah oo uu wado Farmaajo

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay in maalmahan uu ku howlan yahay abaabul ciidan iyo dagaal oo ka dhan ah Ra’iisul wasaare Rooble.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook ayaa yiri: “Farmaajo wuxuu maalmahan ku hawlanyahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah  RW Rooble. Mar wuxuu ka hadashiiyey nin dhiirran oo isagoo garaaddihii ciidanka xiran Raysalwasiirihii Aflagaaddo ku dhoobay”.

Isaga oo sii hadlaya ayaa waxaa yiri “Wuxuu soo abaabulay guddiga doorashada, isagoo diiddan in la beddelo xubnihii guddiga xallinta khilaafaadka. Waxaa xigay shirkii dhoollatuska ahaa ee saraakiisha ciidanka iyo waddooyinkii la xiray, si loo baajiyo shirkii Golaha wasiirrada. Waxaa intaas dheer dacaayadda ay CBB baraha bulshada ka wadaan ee Rooble ku wajahan”.

Ra’iisul wasaare Rooble ayuu ugu baaqay in uu shaqadiisa ku aadan Doorashada xoojiyo, si dalka ay uga dhacdo Doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -