DEG DEG: Dagaal culus oo goor dhow dib uga qarxay Boosaaso iyo xabad joojintii oo burburtay

Dagaal culus ayaa wax yar ka hor 12:00am saq dhexe ee caawa mar kale ka qarxay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa PSF.

Dhawaqa rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa ayaa laga maqlayaa bartamaha magaalada Boosaaso, iyadoo ay tahay xili habeenimo ah oo dadka intiisa badan ay hurdaan.

Taliyaha diiday xilka ka qaadista ee ciidanka PSF Gen. Maxamuud Cusmaan Diyano ayaa boggiisa facebook ku sheegay in ciidankiisa la soo weeraray uuna socdo dagaal culus.

“Waxaa hadda weerar nagu soo Qaaday kooxdii argagaxisada ahayd ee aaranjaan. Waxay ka baxeen balantii ahayd Xabad-Joojinta ee maanta aanu gaarnay” ayuu yiri taliyaha.

Dagaalkan ayaa ku soo beegmay maanta gelinkii dambe ay xasilooneyd magaalada Boosaaso ka dib markii ay ka dhaqan gashay xabad joojin ay ka soo shaqeeyeen isimada Puntland

LA SOCO WIXII SOO KORDHA

 

- Advertisement -