Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Raisul Wasaare Modi oo ku ag suuxay Meydka Taliyihii Ciidamada Difaaca Hindiya

Raiisel wasaaraha India Narendra Modi ayaa ku ag suuxay naxashyada ay ku jiraan hadhaagii hilbaha taliyihii ciidamada difaaca ee Hindiya General Bipin Rawat iyo 12 kale, intii lagu guda jiray xaflad ubax dhigis ah oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee New Delhi, India.

Wasiirka difaaca Rajnath Singh, lataliyaha dhanka amniga ee dowlada Ajit Doval, iyo taliyaha ciidamada India Manoj Mukund Naravane ayaa sidoo kale abaal-marin ubaxeed u sameeyay maydka oo ku sugnaa New Delhi.

General Bipin Rawat, xaaskiisa iyo 12 ka mid ah shaqaalaha difaaca ayaa u duulayay kulliyadda shaqaalaha milatariga ee koonfurta Hindiya, markii diyaarad helikobter ah oo ay ku safrayeen ay ku soo dhacday meel u dhow magaalada Coonoor, Arbacadii.

Waxaa shilka ka badbaaday hal qof oo ka mid ahaa 14-kii qof ee saarnaa diyaaradda, iyadoo la baarayo sababta keentay shilkan.

Rawat, oo 63 jir ah, ayaa dawladda Modi u magacawday in uu noqdo madaxii ugu horreeyay ee difaaca ee Hindiya dabayaaqadii sannadkii 2019. Booskan ayaa la dejiyay iyada oo ujeedadu ahayd in la isku dhafo ciidanka, badda iyo ciidanka cirka.

W/Mohamed abdi Osman (Faradheere)

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Haween dembi argagIxiso loo soo taagay Maxkamad oo ku kacay fal shaki abuuray

Caydiid Ali

Muqdisho: Gacan ka hadal ka dhashay kursi lagu murmay oo dhimasho & dhaawac sababay

Caydiid Ali

Gudoonka Aqalka sare ee Somalia fariin muhiim ah diray Senatarada Golaha (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---