Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday magaalada Baydhabo iyo Wararkii u Dambeeyay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus oo isugu jiray madaafiic iyo mid toos ah ku qaaday saldhigyo ciidan oo kuyaala magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed.
 
Weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday madaafiic ay ku garaaceen saldhig ciidamada Itoobiya ku leeyihiin magaalada Baydhabo, waxaa sidoo kale madaafiicda kadib la maqlayay rasaas toos ah oo la is weedaarsanayay.
 
Ciidamada Itoobiya ayaa dhankooda madaafiic culus ku garaacay aaga laga soo weeraray, lamana oga khasaaraha ka dhashay madaafiicda la is dhaafsaday iyo rasaasta toos ah ee ka dhacday.
 
Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa sidoo kale weerar toos ah ku qaaday saldhig ciidamada booliiska maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin magaalada Baydhabo, iyana lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan.
 
Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen magaalada Baydhabo ayaa imaanaya xili amaanka magaaladaasi si weyn loo adkeeyay ayna ka socdaan doorashada Xildhibaanada golaha Shacabbka

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo mamnuucaysa dawooyin loo isticmaalo Maandooriyaha

Cabdi Cade

Qarax iyo Rasaas xoogan oo laga maqlay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

(Sawirro) Muxuu Lafragaren kala hadlay saraakiisha Xoogga dalka ee ku sugan Xudur?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---