Dowlada oo Amar ku bixisay in la joojiyo Dhul Boob ay Wadaan Masuuliyiin iyo dad Shacab ah

Xafiiska Garyaqaanka guud ee Qaranka ayaa qoraal uu soo saaray kaga dalbaday maamulka degmada Afgooye  in la joojiyo dhul dan guud ah oo la sheegay in sifo sharci daro ah loogu sharciyeynayo dad shacab ah.

Qoraalka uu soo saaray Garyaqaanka Guud ee Qaranka Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayuu ku sheegay in ay hayaan xogo sheegaya in dhul dowlada leedahay oo kuyaala  Afgooye si sharci daro ah ku boobayaan dad shacab ah ayna gacan ka geesanayaan masuuliyiin.

Dhulka danta guud ee la boobayo ayuu ku sheegay Garyaqaanka in ay kamid yihiin dhulka Bangida Horumarinta iyo Dib u dhiska Soomaaliyeed, Warshada ITOP iyo dhul beereed ay leedahay dowlada .

Garyaqaanka ayaana ku amray maamulka degmada Afgooye in ay joojiyaan dhul boobka ka socda degmadaasi, waxaa sidoo kale la faray Hay’adahah iyo dadka kale ee ku howlan cabirida iyo qaadashada dhulka danta guud in ay ka waantoobaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -