Maraykanka oo ergay ka shaqeynaya xabad joojin u diraya dalka Itoobiya

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka uqaabilsan Geeska Afrika Jeffrey Feltman ayaa maalinta bari ah ku wajahan magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya

Jeffrey Feltman ayaa wada qorshe cusub oo heshiis xabad joojin ah lagu dhex dhigayo  dhinacyada dagaalamaya ee dowlada iyo Jabhadaha mucaaradka.

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka ayaa doonaya inuu magaalooyinka Addis ababa iyo Makelle kula kulmo madaxda Itoobiya iyo kuwa Jabhada TPLF.

Safarka Ergayga Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa kusoo beegmaya xili ay Jabhadaha isbahaystey ee Tigray iyo Oromadu ku sii sinqayaan caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Dowlada Itoobiya ayaa horey ugu baaqday wadahadal iyo xabad joojin hase ahaatee Masuuliyiinta Jabhada TPLF ayaa ku gacan seyray, iyagoo sheegay inuu xirmay albaabka wadahadalka ayna dagaalka sii wadayaan illaa ay ridaan xukuumada Abiy Ahmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -