Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Guriceel iyo taliyeyaal sare oo ku dhintay

Xaalada degmada Guriceel ayaa caawa yara degan ka dib dagaalo maalintii labaad galay oo maanta halkaas ku dhexmaray ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo dhinac iyo maleeshiyo taabacsan Ahlu sunna.

Inta la ogyahay Saraakiil ciidan oo labada dhinac ah iyo dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawacba kasoo gaarey dagaalka Guriceel oo caawa la isku gabal dhacsadey.

Xoogaga Shiikh Shaakir hoggaamiyo ee Ahlusunna oo maanta la siiyay fursad ay dalbadeen si ay uga baxaan magaalada ayaa la sheegay iney dib ugu soo rogaal celiyeen difaacyada ciidamada ee waqooyiga iyo bariga magaalada, waxaana halkaasi ka dhacey dagaal la isku riiqmay oo sababay dhimashada iyo dhaawac tiro beel ah.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Anas Cabdi Macalin  ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay maanta dalbatay xabad joojin si ay magaalada uga baxaan, balse waxuu ku eedeeyey in ayagu ay jebiyeen xabad joojinta ayna qiyaano ka wateen arrintaas.

Ugu yaraan 50 qof oo u badan dhinacyada iska horjeeda ayaa ku dhintay dagaalka maanta oo kii ugu qaraaraa ee mudooyinkan halkaas ka dhaca, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

Waxaa dagaalkii galabta ka dhacey Guriceel ku Geeriyoodey Taliyihii Ciidanka Haramcad ee Degaanada Galmudug Labo xidigle Faarax Muumin oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka dowladda ee dagaalka hogaamineysey.

Sidoo kale Cabdulqaadir Maxamed Diiriye oo ahaa taliyihii Nabad sugidda garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu dilay dagaalka maanta.

Rasaas goos goos ah ayaa caawa laga maqlayaa aagaga labada ciidan isku hor fadhiyaan, waxaana wali adag xaalada, iyadoo ciidamada Huwanta ay isku dayayaan iney soo afjaraan dagaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -