Jabuuti oo Diyaaradii uu la socday Fahad Yaasiin celineysa kana jawaabtay Hadalkii Villa Somalia

Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dhamaan rakaabkii la socday dayuuraddii Turkish Airways ee ku sii jeeday Muqdisho lagu celinayo Jabuuti

Wasiirka ayaa sheegay ineysan xirin Fahad Yasin balse dayuuradii uu la socday ay diiday iney geyso Muqdisho.

“Dhammaan rakaabkii saarnaa dayuuraddii Turkish Airways ee maanta ee Muqdisho u socotay ay ku noqon doonto Istambul si ay u raacaan duullimaad kale oo Muqdisho u socda.” ayuu yiri Wasiirka

Dhinaca kale Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Djibouti Ilyas Dawaleh ayaa bartiisa twitter kaga jawaabay eedda ka timid afhayeenka madaxtooyada Somalia.

“Maaddaama aad tahay sarkaal sare oo ka tiran Villa Somalia waxaan si walaaltinimo leh kaaga codsanayaa inaad ka joogsatid haddallada aan habbooneyn ee aan salka lahayn. Waxaa kuu wanaagsan inaad xaqiiqada raadisid.” ayaa lagu yiri fariinta wasiir Dawaleh.

Goor sii horeysay Afhayeen u hadlay madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa Jabuuti ku eedeyey iney dayuurada Turkish Airlines kala degtay Fahad Yaasiin oo ku soo jeeday Muqdisho isagoo talaabadaas ku tilmaamay mid aan sharci ahayn oo aan sii xoojinayn xiriirka labada dawladood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -