Dr Dufle oo mar kale loo doortay Senator katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa caawa magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ka dhacday doorashada kursi katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana kursigan ku tartamayay sadex musharax.

Doorasho gaartay labo Wareeg ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay kursiga Aqalka Sare Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo helay 68-Cod halka Musharaxa kula tartamayay wareega ugu dambeeyay Raage Xasan Xuute uu isna helay 28cod.

Wareegii koobaad ee doorashada Aqalka Sare waxaa isaga haray Amb Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Kenya kadib markii uu helay 19-Cod kaliya , waxaana wareega labaad u gudbay labada musharax ee codadka ugu badan helay.

Senator Dufle oo mar kale difaacday kursiga ayaa noqonaya sanatorkii afaraad ee lagu doorto magaalada Jowhar, waxaa sidoo kale xalay Jowhar lagu doortay Sadex Senator oo labo kamid ah horey uga mid ahaayeen Aqalka Sare.

Doorashada Aqalka Sare ee ka dhacday Hirshabelle ayaa aheyd mid furan oo si toos ah musharaxiinta ugu tartamayeen halka Doorashooyinkii kale ee Aqalka sare ee ka dhacday maamul goboleedyada kale Musharaxiin gaar ah oo la watay loo xiray kuna guuleesteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -