(Sawirro) Haweeneydii ugu horeysay oo Timajare ka noqotay dalka Sacuudiga

Wafa Saqer ayaa noqotay haweenaydii ugu horeysay ee Time-jare ka noqotay dalka Sacuudi Carabia.

Shaqada timajaraha ayaa inta badan caalamka waxaa qabta ragga, loogamana baran haweenka

Hadal-heyn badan ayay baraha bulshada ka dhalisay haweeneydan tima jaraha ka noqotay Sacuudiga oo ah dal haweenka aysan ku helin xoriyad dhameystiran, inkastoo dhowaanahan ay jireen isbedelo.

Saqer waxay meesha ka saartay fekradaha khaldan ee ku saabsan in dumarka aysan u qalmin in ay qabtaan shaqooyinka qaar.

Haweenaydan waxay muddo laba sano ah ku shaqeynaysaa gurigeeda hase ahaatee waxay rajo weyn ka qabtaa in mustaqbalka dhow ay xarun weyn ka furato bartamaha magaalada caasimada ah ee Riyad.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -