Madaxweyne Deni oo bogaadiyay Shaqo Adag oo laga qabtay Gobolka Mudug (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar shaqo ku jooga Gaalkacyo ayaa caawa warbixinta amniga ee Gobolka Mudug ka dhegaystay Guddiga Amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

Guddiga ayaa la wadaagay Madaxweynaha warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda Gobolka, horumarada laga sameeyay dhinaca amniga oo Dowladdu guulo ka gaartay iyo qorsheyaasha Amni ee diyaarsan.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee laga qabtay Gobolka oo isbedelkeedu uu ka muuqdo guud ahaan Gobolka, wuxuuna laamaha amniga faray in lasii dardargeliyo Howlaha Amni ee socda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur, Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo Mudane Eng Maxamuud Cabdinuur Aaden iyo Saraakiisha laamaha amniga. Waxaa Madaxwdeynaha ku weheliyay Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ee Dowladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad .

- Advertisement -