Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) oo loo magacaabay Gudoomiye Degmo

Wareegto kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dowladdaha hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Gudoomiye iyo kuxigeenkiisa loogu magacaabay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha cusub ee degmada Matabaan ayaa loo magacaabay Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) ,halka guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan loo magacaabay Ducaale Aadan Cabdi.

Maamulada degmooyinka gobolka Hiiraan ayaa marar badan isbedel lagu sameeyay, waxaana maamulka Hirshabelle inta badan xilalka ka qaadaa Gudoomiyaasha gobolka Hiiraan iyo kan degmooyinka gobolkaasi halka Sh/Dhaxe inta badan isbadal lagu sameyn.

Halkan ka Akhriso Wareegtada magacaabista 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -