Koonfur Galbeed: Sidee Bay DF Kusoo Ceshan Kartaa Kalsoonida Shacabka oo Luntay?

Xabsiga Mukhtaar Roobow waxuu daboolka ka qaaday dhaqanka Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) aan waafaqsanayn  Dastuurka iyo xeerarka dalka, haddii kale kuma aysan hayseen xabsiga muwaaddin muddo ka badan saddex sano isagoon waxba lagu eedeyn, maxkamad la hor-keenin, loo oggolaan  qareen, dhakhtar, boqasho sokeeye iyo shisheeyaba.

Waa takrifal bareer ah oo muujinaya in caddaaladda ay baadi tahay; waddada uu dalka ku hantin doono Dimuqraaddiyad, Caddaalad, iyo Sinnaanna  fari kama qodna.

Arrinka Roobow waxuu kaloo muujiyay tayada Maamulka Koonfur Galbeed (KG) oo ka dhashay kaddib marlkii Roobow laga saaray masraxa siyaasadda, iyo  tayada siyaasiyiinta iyo xildhibaannada  gobolka.

Ugu dambayntii  Waxaa kaloo soo ifbaxday in Gobollada xubnaha ka ah DFS isku si loola dhaqmin: waxaa jira qaar lagu takrifali karo iyo kuwo aan loo gali karin.

Gobolku waa mid dadkiisa ay yihiin kuwa aan hubaysnayn, kana koooban beeraaley iyo xoola dhaqato nabadgelyada jecel oo aan amminsanayn in wax waliba xoog lagu maquunin karo.

Haddii aysan taas jirin ma suurta gasheen in marka dadweynaha Baydhabo ay ka bannaanbexeen xarigga Roobow in loo adeegsado rasaas lagana dilo 15 ruux oo si nabadgelyo u bannaanbaxayay.

Dadweynaha KG waxay u qaateen meelkadhac xarigga Muktar Robow iyo khasabka lagu khasbay maamul aan u adeegaynin danaha shacbiga.

Soo daynta  Roobow waxaa u gurmaday dad badan oo Soomaali iyo shishheyaba leh. Waxaa ugu dambaysay dadaalladii dowladda Qadar oo kula talisay DF inay sii daayso.

Sanadkan hoorraantiisa ayaa shir albaabbada u xiran yihiin lagu qabtay Villa Soomaaliya: Odayaal dhaqameedka iyo siyaasiyiinta KG ayuu Madaxweynaha ku xiray laba shardi soo dayntiisa: 1) Inuu maleeshiyada taabacsan ku wareejiyo  Dowladda; iyo 2) Inuu faraha kala baxo siyaasadda gobolka (Baidoa News Ammaandhjoorey 21/07/2021).

Runti xaaladda maxabbuuska ma aha mid wanaagsan sababtoo ah afar bilood guriga uu ku xiran yahay waa mugdi (koronto ma leh), raashin isaga iyo ilaaladaba ma haystaan taasoo kalliftay inuu ka soomo cuntada uuna diido inuu qaabilo qof dowladda ka socda dhawr beri (Amaandoorey 2/7/2021).

Kalsoonidarrada shacabka KG uu ku qabo hoggaanka, siyaasiyiinta, iyo xildhibannada  gobolka waxaa si fiican u muujinaysa maansada Khadija Ibraahin (Hadiijey Ibreehing) oo si gaar ah u dhaliilaysa xildhibaannada federaalka ah. Halhayska (Waa kajan) maansada waa:

Soo Dhawaada Wax la idiinkuma Dhufanaye.

Dallintiina hortiinna bay dhamaadeene/Oon baa dhaqaye baahay u dhammaadeene/Dhulkaan nagu dhufattena/Dhuuntaad noo gasheene/Afar sano iyo dheeraad/ Ayaad shiisheeya uun u   dhaaminayseene/Soo dhawaada wax la idunku dhufanaye.

Arrinka Roobow iyo dhaqanka dawlad goboleedka waxay mideeyeen shacabka oo ay la duubteen suugaanyahanka, fannaaniinta, iyo dhallinyarada.

Suugaanta gobolka waxay isu beddeshay suugaan taageero, baraarujin, gubaabin iyo mararna qaarkood horseed.  Taasoo bishan sagaalkeeda ku khasabtay Laftagareen inuu soo daayo abwaannadii sannad u xirnaa.

Waxaa gobolka ka billaabatay silsilad Deelley oo magaceeda ka tarjumaya xaaladda dadweynaha KG: Deelleey, Dandarro. Deellayda waxay ka billaabatay maanso uu tiriyay Afyaalka Nuur Negeeye. Waxaa ka qeyb kalay  toboneeyo abwaan oy gabadha kor ku xusan ay ka qaadatay qaybtii 6ad.  Nuur Negeeye ka dib markuu soo tirayay dandarrada wuxuu ku gunaanaday: Yaa damiin ka noqon doono dandarradan? [Aakhiro!]

Waxaa ka soo jawabay Abwaan Aarka Baydhaba oo yiri:

Deelleyda waxba yay i duufsannino/Dood duleel ma buuxisee/Warka aan kuu dudduuba-e/Duullaaliin waxaa jira/ Dadka dabargoynayoo/Dalka xaalufinayoo/Degaannadii ma guurtada ahayd/Dakhli iyo waxoogaa yaroo dollar ah/ Oo duruuftan addunyo/ ayaamahoo ay ku damaashaadaan/kuwo  doorsan baa  jiree. ..

Waxaa ka dambeeyay abwaannada kala ah:Tawakal, Cali Waddani, Xareed Sh. Muxiddiin, Xasan Aadan,  Dulmidiid, Khadiija Ibraahin, Mad Eedeng, Siddiiq. Silsiladduna weli way socotaa.

Maamul-goboledga Koonfur Galbeed waa mid ku nudan Villa Soomaaliya, halka dadweynaha gobolkana ay maalin waliba kasii fogaanayaan. Waxaa ka jira gobolka dhaqdhaqaaqyo aaminsan haddii aan dib-u-heshiisin dhab ah la helin inaan lasoo celin karin kalsoonida luntay.

Doorashada dhawaan ka dhici doonto waxay dadka ugu jeedan mid  natiijadeeda la hordhegay musharraxoodi sharciga ahaana uu xabbis daa’in uu ku jiro.

W/Q Axmed Q Cali

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -