Ciyaartoy u dhashay Uganda oo lagu la’ yahay Japan iyo Baadi goobkiisa oo socda

 Culays-qaade (Weightlifter) u dhashay dalkaasi ayaa laga waayey Xerada Tababarka Olombikada ee ku taalla caasimada dalka Japan ee Tokyo (Tokyo 2020 training camp).
 
Ciyaartoygaasi oo lagu magacaabo Julius Siketoliko ayaa la sheegay in saakayto oo Jimco ah laga waayey Xerada Tababarka iyo Qolkii uu ka deganaa Hotel ay Ciyaartoyda Olombikada Uganda ka deganaayeen oo ku yaalla magaalladda Izumisano ee Galbeedka dalkaasi oo masaafo ahaan 500 KM u jirta Caasimada Tokyo.
 
Ergada Ciyaaraha Fudud ee ka socday Uganda oo ka kooban 9 qof waxaa isbuucii hore 2 ka mid ah laga helay Xanuunka Laayaanka ee COVID-19, mana kala cadda in Ciyaartoyga maanta la waayey uu ka mid ahaa kuwii laga helay Caabuqa Coronavirus.
 
Guddiga Olombikada Adduunka ee IOC wey xaqiijiyeen in ciyaartii u dhashay Uganda maanta la waayey, xilli uu mari lahaa Baaritaanka 2-aad ee Badqabka Ciyaartoyda ee Xanuunka COVID-19.
 
Boliska Japan waa lagu wargeliyey Ciyaartoyga la la’ yahay, waxaana socda baadi-goobkiisa.
 
Ciyaartoyda Olombikada ee dalalka Caalamka waxay ka qeyb geli doonaan Tartanka bishan July 18-da ka furmi doona Tokyo.
 
Si kastaba ha ahaatee, Dadka Reer Japan waxay ka walaacsan yihiin inay Ciyaartoyda ka qeyb galayso Tartankaasi ay Cuddurka COVID-19 ku sii faafiyaan dalkaasi oo difaac iyo heegan kaga jiraan Xanuunkaasi.
W/Q Ustaad Nuuradiin
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -