Qarax Ismiidaamin ah oo lagu weeraray fariisin ay leeyihiin ciidanka Xoogga dalka

Gaari qarax laga soo buuxiyay ayaa la soo sheegayaa in lagu weeraray saaka saldhig ciidamada xoogga dalku ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh uu ka dhashay qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan.

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Col. Saney Cabdulle iyo saraakiil kale ay ku dhaawacmeen qaraxa lagu weeraray saldhigga ciidamada xoogga ku leeyihiin degaanka Biyo Cadde

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in illaa afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah.

Maamulka Hirshabelle iyo saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Sh/dhexe ayaan weli ka hadlin weerarkan oo ku soo aaday xili mudooyinkan ciidamada DF ay gobolka Sh/dhexe ka wadeen howlgalo culus oo ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasoo kooxda looga saaray degaano badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -