(Akhriso) Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed oo soo bedelay xubnihii cabashada laga gudbiyey

Dowlad Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa soo bedelay xubnihii cabashada laga gudbiyey ee ku jiray Guddiyadii doorashada.

Maamulka Hirshabelle ayaa afar xubnood ku soo bedelay xubnihii cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiyada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Xalinta Khilaafaadka.

Sidoo kale, Maamulka Koonfur Galbeed ayaa labo xubnood soo bedelay oo kala ah Heer Dowlad Goboleed iyo Heer Federaal sida ku xusan labo wareegto oo ka soo kala baxday labada Madaxweyne ee dowlad goboleedyadaas.

HOOS KA AKHRISO LABADA WAREEGTO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -