Maraykanka oo baneynaya Saldhigii ugu weynaa ee uu ku lahaa Afghanistan (Sawirro)

Wararka ka imaanaya Afghanistan ayaa sheegaya in Mareykanku qorshaynayo inuu ka baxo saldhigga ugu weyn ee ciidamadiisu ku leeyihiin ee Bagram.

Wasaarada difaaca Mareykanku ayaa sheegtay in 20-ka bishan uu saldhiggan ku wareejin doono ciidamada xukuumadda camiilka Afghanistan.

Mas’uul hadlay warbaahinta oo diiday in la shaaciyo ayaa sheegay in hawlgalka dib ucelinta saldhgga la go’aansaday inuu qaato muddo 20 maalin ah balse waxaa uu sheegay inay suura gal tahay in mudadu ay intaasi ka badato ama ay ka yaraato, isagoo intaasi ku daray in wasaaradda difaaca ee sameysay koox gaar ah oo loo xilsaaray ilaalinta iyo kormeerka.

Mar sii horeysay ayuu  wasiirka difaaca ee Mareykanka Lloyd Austin golaha xildhibaanada mareykanka ka hor sheegay in ka bixitaanka ciidamada uu ku socanayo xawaare sugan kana hor mari doono waqtigii la qorsheeyey.

Sidoo kale waxaa la sheegay in halkaasi laga soo daabuli doono keydadka iyo zaadkii ciidanka ee yaalay saldhigga Bagram iyo dhamaan gaadiidka hubka.

Saldhiggan ay ciidamada Maraykanku faarujinayaan ayaa qiyaastii 50Km u jira magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Heshiis magaalada Doxa ku dhaxmaray sanadkii 2020-ka dowladda Mareykanka kooxda Taliban ayaa dhigayay in dhammaan ciidamada shisheeye ay ciidda Afghanistan isaga baxaan taas bedelkeena ay kooxdaas joojiso taageerada ay siiso Al-Qaacida, lana heshiiso dowlada Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -