Maxaa ka jira in Dowlada Somalia dalbatay in la bedelo Ergeyga sare ee Midowga Afrika?

Dowladda Soomaaliya ay warqad u qortay Midowga Afrika, iyadoo ka dalbatay in la bedelo Madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo dhowaan loo magacaabay Ergeyga sare oo Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Dowladda ayaa sheegtay in Ergeyga uu dano ganacsi oo u gaar ah ku leeyahay dalka Kenya, sidaas darteedna aanu dhexdhexaad ka noqon karin arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena magacaabidiisa aan lagala tashan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladu ka cabsi qabto in Kenya ay saameyn ku yeelato dhexdhexaadinta uu ka bilaabayo Somalia inkastoo ay dhamaatay xiisadii ka dhalatay muddo kororsiga, isla markaana labada dal ay soo celiyeen xiriirkooda diblomaasi.

Midowga Afrika ayaa wajahaya culeysyo dhowr ah oo ka imanaya dhinacyada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyagoo bedelay mid ka mid ah ergada dhexdhexaadinta Midowga Afrika ka dib markii ay sidaas dalbadeen musharaxiinta oo ninkaas ku eedeeyey inuu u janjeero Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -