Ra’isul Wasaare Rooble oo kusii jeeda Sacuudiga iyo Xog ku aadan Ujeedka Socdaalkiisa

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xil-gaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in safar ku aado Boqortooyada Sacuudiga oo la sheegay in uu ka helay casuumad si uu usoo cumreesto.

Ilo ku dhaw dhaw Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa laga soo xigtay in Boqortooyada Sacuudiga oo dhawaan qaaday xayiraada ay ku casuumtay Ra’isul Wasaare Rooble in cumro u yimaado Sacuudiga dhamaadka bishan Ramadaan.

Safarka la filayo in Ra’isul Wasaare Rooble ku aado Boqortooyada Sacuudiga ayaa kusoo aadaya xili looga fadhiyo qabashada shaqooyin adag ay ugu horeeyaan in Muqdisho laga saaro ciidamadii kahor yimid mudo kororsiga oo wali Muqdisho jooga.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu wareejiyay qabashada iyo socodsiinta howlaha doorashada dalka iyo amnigeeda, waxaana Rooble looga fadhiyaa in uu kasoo dhalaalo shaqooyinka adag ee horyaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -