Axmed Madoobe oo Saraakiil Maraykan ah kula kulmay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Somalia.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada magaalada Kismaayo waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubaland iyo Gaashaanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubaland.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyadoo iskaashi buuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka dhanka ah Argagixisada.

Ciidamada Maraykanka ayaa kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed ka taageera dagaalka Al-shabaab, iyagoo siiya tababaro iyo qalab intaba taasoo wax weyn ka bedeshay tayada ciidamada XDS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -