Rooble iyo Madaxda Galmudug iyo Hirshabelle oo la kulmay Ganacsato (Daawo Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ay wehliyaan Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada gobolka Banaadir.

Kulankan Rooble iyo Madaxda Hirshabelle iyo Galmudug la qaateen ganacsatada gobolka Banaadir ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo sidii ganacsatada gobolka gacan uga geesan lahaayeen xaalada siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho.

Ra’isul Wasaare Roobe ayaa ka codsaday ganacsatada ay la kulmeen in ay kaalintooda ka qaataan xoojinta xasiloonida caasimadda Muqdisho iyo caawinta dadkii ku barakacay rabshadihii dhawaan dhacay.

Ganacsatada qaarkood oo kulanka ka hadlay ayaa dhankooda balan qaaday in gacan ka geesanayaan  sidii looga shaqeyn lahaa nabad galyada caasimada iyo caawinta dadka danta yar ee saameysay rabshadihii Muqdisho ka dhacay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta ayaa wada dadaalo uu ku doonayo in laga baaqsado in mar kale magaalada Muqdisho ka dhacaan dagaalo dhiig ku daataan, waxa uuna xalay la kulmay Golaha Musharaxiinta mucaaradka .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -