Madaxweyne Joe Biden oo la filayo inuu qaado tallaabo ka carreysiin doonta Turkiga

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa la filayaa inuu si rasmi ah “xasuuq” ugu aqoonsado dil ay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ugu gaysteen dad Armenian ah, waxa asidaas Arbacadii sheegay ilo-wareedyo.

Tallaabada Biden ayaa la filayaa inay ka carreysiiso Turkey, islamarkaana sii dhaawacdo xiriirka labada dal ee ka wada tirsan gaashaanbuurta NATO.

Go’aanka Biden ayaa sidoo kale jebin doona siyaasad sanado badan uu Aqalka Cad adeegsan jiray oo ay aheyd in aad looga fiirsado ereygaas, wuxuuna iman doonaa xilli ay Ankara iyo Washington isku hayaan dhowr arrimo oo kale.

Biden ayaa ereyga “xasuuq” kusoo dari doonaa war-saxaafadeed uu soo saarayo 24-ka bishan, oo ah maalinta caalamka lagu xuso dhacdadan, sida ay laba il-wareed u sheegeen Reuters.

Turkey ayaa qirsan in dad Armenian ah lagu dilay Boqortooyadii Cusmaaniyiinta markii uu isku dhac dhex-maray ayaga iyo ciidamada Cusmaaniyiinta, intii uu socday Dagaalkii Koowaad ee Dunida, hase yeeshee waxay dood ka qabtaa tirada dadka la dilay, waxayna beenisaa in dilka uu ahaa mid abaabulan oo saf mar ah, una dhigma xasuuq.

Tobaneeyo sano ayaa qaraaro lagu aqoonsan laha “xasuuqa” Armenia waxay kasoo gudbi waayeen Congress-ka Mareykanka, waxaana madaxaweynayaasha Mareykanka ay ka reebtoonaayeen inay ereygaas adeegsadaan, sababo la xiriiri walaacyo ay ka qabaan xiriirka Turkey.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa xiriir wanaagsan la lahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, hase yeeshee weli lama hadal Joe Biden, tan iyo markii uu madaxweynaha noqday.

Tallaabo kasta oo uu qaado Biden oo uu dilkaas ugu aqoonsanayo xasuuq, waxay sii dhaawici doontaa xiriirka labada dal ee ka wada tirsan NATO, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu.

Source-VOA-Reuters

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -