Allbanaadir.com
NEWS

Waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho oo saaka xiran iyo ciidamo lagu soo daadiyey

Ciidamada dowlada Somalia ayaa saaka xiray inta badan wadooyinka Magaalada Muqdisho, iyagoo joojiyey dhamaan gaadiidka dadweynaha ee wadooyinkaas isticmaali jiray.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Maka Al-Mukarama, nawaaxiga Km4, isgoysyada Zoope iyo Banaadir iyo qaar kale.

Ciidamada amaanka dowlada Somalia oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocvadiisa kala duwan ayaa lagu arkayaa wadooyinka xiran, iyagoo meelaha qaar ka wada howlgalo baaritaano ah.

Lama oga illaa hadda sababta loo xiray saaka wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood hase ahaatee arrintan ayaa ku soo aadeysa xili xalay saqdii dhexe ciidamada dowladu ay xabsiga dhigeen isagoo dhaawac ah C/raxmaan C/shakuur oo ah siyaasi mucaaradsan dowlada, iyadoo shan ka mid ah ilaaladiisa lagu dilay iska horimaad ay la galeen ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Heshiisyada Siyaasadeed ee ka dhacay Galmudug iyo Jubbaland oo la taageeray

Cabdi Cade

(Sawirro) Cumar Filish oo soo saaray amar ku socda shacabka Gobolka Banaadir

Caydiid Ali

Farmaajo oo Gudoomiyay kulan Hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---