Nin dhigay rikoor cusub oo dhinaca neef isku celinta ah !! (Daawo Sawirro)

Budimir Buda Šobat, oo ah 54 jir kasoo jeeda dalka Croatia ayaa sameeyey rikoor cusub kaddib markii uu awooday inuu isku celiyo neefta muddo 24 daqiiqo iyo 33 ilbiriqsi dhan biyaha hoostooda isaga oo aan marna usoo kicin banaanka si uu hawo u helo.

Barkad lagu dabaasho oo ku taalla  Sisak ayuu ku sameeyey tijaabadiisa isaga oo ay dhinacyada ka joogaan dhaqaatiir, weriyayaal iyo taageerayaashiisa. Waxaana la arkayaa isaga oo lagu dul hayo biyaha korkooda si uusan kor ugu soo hinqan.

Sobat wuuxu maareeyey inuu biyaha ku kor sabeeyo isaga oo awooday inuu ku dhawaad nus saac isku celiyo neefta biyaha dhexdooda. Tani isaga ahaan, daqiiqadahani waxay uga dhigan tahay wax weyn. Waayo muddo badan ayuu tabbabar iyo leyli ugu jiray siduu u awoodi lahaa inuu neefta isku celiyo si uu u dhigo rikoor cusub oo u gala diiwaanka caalamiga ah. Wuxuu uga dhaqaaqay wax walba sida shaqadiisa caadiga ah si uu naftiisa ugu diyaariyo sameynta wax in badan agtooda ka ah qeyrul-caadi.

Dhowr jeer oo uu sidaan oo kale sameeyey wuxuu dhaafin waayay 24D-11Ilbiriqsi, laakiin, hadda wuxuu gaarsiiyay meel lagu tilaami karo rikoor cusub oo caalami ah.

Sobat wuxu degmada uu kasoo jeedo ee Sisak oo dhulgariir ku dhiftay ka sameeyey kaalmo iyo gurmad, wuxuuna adduunkiisa qeyb kamid ah ugu tabbarucay carruurta magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -