Dowlada oo Qorshe ka dhan ah maamulka Jubbaland ka bilowday Muqdisho (Daawo Sawirro)

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday qorshe cusub ay ku dooneyso in ay ku fashiliso khalalaase siyaasadeedna uga abuurta maamulka Jubbaland uu hogaamiyo Axmed Madoobe.

Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Xukuumada Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan ay kasoo qeyb galeen waxgarad iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland kuwaa oo si weyn uga soo horjeeda maamulka Jubbaland.

Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaana ka dhageestay odayaasha iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Jubbaland cabashada ay ka qabaan Maamulka Jubbaland uu Hogaamiyo Axmed Madoobe.

Qoraal kasoo baxay kulanka kadib Wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka ayaa lagu sheegay in Wasiir Janaraal Mukhtaar cabasho ka dhageestay odayaal dhaqmeed iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Jubbaland kuwaa oo cadeeyay in aysan ku qanacsaneyn maamulka.

“Odayaal  dhaqameedka beelaha dagga Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas  ayaa u gudbiyay  Wasiirka Wasaaradda cabashooyin  ku aaddan sida ay ku dhisantahay  Dowlad Goboleedka Jubaland. Sidoo kale waxaa ay caddeeyeeyn in aysan  ku qanacsaneyn  guud ahaan Maamulka Jubaland. Isla markaana  ay daneynayaan  maamul lagu dhiso si wada ogal  ah, damaanad  qaadi  kara  Nabadgalyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland waa sida lagu yiri qoraalka.

Qorshahan cusub ee dowlada ka bilowday magaalada Muqdisho ee lagu abaabulayo dadka kasoo horjeeda maamulka Jubbaland ayaa imaanaya xili Muqdisho joogo  Axmed Madoobe, waxaana la filayaa in Jubbaland jawaab ka bixiso qorshahan maamulkooda ka dhanka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -