Xog cusub oo laga helay Shirkii maanta u furmay Farmaajo & shanta dowlad goboleed

Xog dhinacyo kala duwan leh oo aan ka helay shirkii maanta ayaa sheegaya in la isku mari waayay, iyada oo sida ay ii sheegèen ilo wareedyo dhanka maamul goboleedyada qaarkood  uu Madaxwayne Farmaajo diiday in  laga hadlo wax ka baxdan shirkii 17-kii September, 2020  iyo 16-kii February, 2021.

Waxaa kale oo uu ka horyimid in uu qoro warqad uu qaar kamid ahi awoodihiisa ugu wareejinayo RW Rooble, isaga oo madaxwaynuhu sheegay in arrintaasi aanay hadda muhiim ahayn oo ay jirto qodobo ka muhiimsan oo lagu gaari karo nidaamka doorashada.

Waxaa kale oo si adag isaga horyimid Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbalabd oo isku dhinac ah iyo Galmudug iyo Hirshabelle, Iyada oo ay labada Madaxwayne waa Qoor qoor iyo Cali Guudlaawe ka soo horjeesteen in ay PL iyo JL ka hadlaan wax khuseeya arrimaha Muqdisho oo ay ka mid tahay wixii dhacay 19 kii February oo ahayd markii la weeraray xubnihii ka tirsanaa midawga musharixiinta.

Inkasta oo ay dhinacyadu u kala safnaayeen sidii hore loogu yaqaanay oo ahaa qolo la safan Farmaajo iyo kuwo ka soo horjeeda, haddana ma jirin cid ka tirsan beesha caalamka oo ku dhex jirtay.

Hogaamiyaaysha is diidan oo aan markoodii horeba isugu imaanin rabitaankooda balse kulankooda ay ka danbaysay beesha caalamka ayaa u muuqda kuwo ay adag tahay in ay ka heshiiyaan arrimaha masiiriga ah ee la xiriira doorashada.

Waxaa ay hogaamiyayaasha oo shirkooda ay indhaha ku hayaan Q/midoobay iyo beesha caalamka lagu wadaa in hadii ay wax heshiis ah gaari waayaan ay dhici karto in uu golaha amaanku ka qaato go’aan, taasi oo dhinacyada Soomaalida saamayn ku yeelan karta.

Maalinta Axadda ah oo ku beegan 04/04/2021 ayay mar kale isugu tagayaan teendhada Afisyooni sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Somalia Cusmaan Dubbel si loo sii ambaqaado wadahadalka.

Xassan Shiikh Axmed Cadde
Muqdisho, Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -