Saraakiil ciidan oo Dacwad ka gudbiyay Donald Trump Maxkamadna la koraya

Laba sarkaal oo ka mid ah booliska xarunta Congress-ka ee Capitol Hill ayaa diiwaan-geliyey dawacd ka dhan ah madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaga oo sheegay inuu huriyey weerarkii dhimashada lahaa ee xarunta lagu qaaday 6-dii Janaayo.

Waxay gal dacwadeedka ku sheegeen in Trump uu mas’uul ka ahaa dhaawac jir iyo mid maskaxeed oo kasoo gaaray weerarka.

James Blassingame, oo 17 sano ka tirsanaa booliska, iyo Sidney Hemby oo 11 sano ka mid ah aheyd, ayaa dacwaddan ka diiwaan geliyey Maxkamadda Mareykanka ee qeybta degmada DC, ayaga oo raadinaya madghow gaaraya ugu yaraan $75,000 midkiiba.

Dacwadda ayaa qiil ka dhiganeysa hadalladii Trump ee kahor iyo kadib doorashadii madaxweynaha ee dhacday 3-dii November, ee uu ku guuleystay madaxweyne Joe Biden.

Waxaa dacwadda lagu sheegay in Trump uu hurinayey rabshado intii lagu guda jiray ololihii doorashada madaxweyne ee 2020, islamarkaana uu sii xoojiyey beentiisa ah in doorashada lagu shubtay, kadib markii uu ku guuleystay Biden.

Dacwadda ayaa sidoo kale soo xigatay hadalladii uu Trump ku dhiiri-geliyey taageerayaashiisa inay 6-da Janaayo yimaadaan Capitol Hill, oo ay “Joojiyaan Xatooyada.”

Trump horey ayuu beeniyey inuu mas’uul ka ahaa dibad-baxyadii lagu galay xarunta oo ay ku dhinteen shan qof oo uu ku jiro sarkaal boolis.

Xafiiskiisa weli kama jawaabin dacwadda cusub.

Source-VOA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -