Madaxweyne Bishaar Al Asad oo kulan xasaasi ah la qaadanaya Kim John Un

Madaxweynaha dalka Siiriya Bishaar Al Asad ayaa lagu wadaa in dhawaan booqasho rasmi ah ku tago dalka ay xulufada yihiin ee Kuuriyada Waqooyi.

Bishaar Al Asad ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in uu booqan doono dalka Kuuriyada Waqooyi si uu ula soo kulmo dhigiisa Kim John un .

Dowlada Siiriya faah faahino badan kama aysan bixin qorshaha Madaxweynaha Siiriya uu ku tagayo Kuuriyada Waqooyi, waxaana labada dal ka dhaxeeya xariir hoose.

Kuuriyada Waqooyi iyo Siiriya ayaa horey loogu eedeeyay in ay iska kaashadaan sameynta hubka kiimikada, hasa ahaatee labadan dal ayaa iska beeniyay eedeyntaasi.

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa dhawaanahan isbadal siyaasadeed sameeyay, waxa uuna la kulmay Madax kala duwam oo isugu jira kuwa dalkiisa timid iyo kuwa uu u tagay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -