Heeshkiisa uu Janan qaatay, maxay uga dhigan tahay Axmed Madoobe !(Wax badan ka Ogow)

Dhowrkii cisho ee la soo dhaafay si gooni ah baan ugu fooganaa dhaq dhaqaaqyada is badalka siyaasadeed ee ka jiray Gedo, gobolka labbaad ee dhulka soomaalida inuu ugu weyn yahay la sheego, dhaq dhaqaaqasi mar dadka gobolkaasi dagan neecaaw udgoon iyo nabar walwaleed oo ka feydmay buu u noqday, mar na Jubbalanta Axmed Madoobe buu murugo iyo macna beel siyaasadeed ku riday oo tiir muhiim u ahaa Madoobaha kismaayo baa nabad qaatay.

Gobbolka Gedo, loolan siyaasadeed oo adag baa ka jiray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay, inkastoo Jubbaland’ta axmed Madoobe marna aysan helin itaal siyaasadeed iyo mid ciidan oo degmooyinka gobolka ay ku wada maamusho, hadana sanadkii tagay bilowgiisa dhowrkii degmo ee wakiilkooda hore Cabdirshiid Janan  uu maamulayay ayaa gacantooda ka baxay oo dowlada federaalka ayaa ciidamo ku daabushay, tii baa sabab u noqotay doodda ugu badan ee siyaasadeed ee dalka ka jirto inay noqoto Gedo! Oo maxaa ku gaar yeelay Gedo waa su’aal kugu dhalan karto, si aan kuu siiyo jawaab waafi ah waxaad u baahan tahay inaad dib u xasuusatid heshiisyadii siyaasadeed ee doorashada waddanka loogu waddo xaarayay, Jubbaland iyo Puntland waxay hadba dood diidmo ah ka keenayeen ciidanka dowlada ee Gedo la geeyay iyo in gacanta Madoobe lagu soo celiyo Gedo, tiiyo ilaa hada ay diidan yihiin inay meel mariyaan heshiiskii 17 SEP ee doorashada qabashadeeda quseeyay!

Cabdirshiid Jannan, wuxuu ahaa mashiinka dhaqaajiyo siyaasada Axmed Madoobe ee Gedo quseeso, Amniga ayuu dhowr sano madoobe ugu magacawnaa, inkastoo amni iyo nidaam dikteetar ah oo caburin, caga-jugleyn joogta ah iyo dilal bareer ah uu Axmed kismaayo ku sameenayay, hadana Cabdirshiid wuxuu Jubbaland u ahaa miisaan culus iyo darbi difaac adag u ah siyaasadda Axmed Madoobe ee Gedo ku aadan, hada madoobe gacantiisa way ka wada baxday waxaana macquul ah doodda siyaasadeed ee wadanka inay waji kale yeelato, sababto ah doodda ugu badan ee Jubbaland’ta Madoobe waxay aheyd ciidanka dowlada Gedo dib halooga celiyo oo maamulka Jubbaland dib haloogu soo celiyo, hadiiba cabdirshiid Janan oo ahaa awoodii ay isku haleeneesay Jubbaland uu la qaatay heshiis, sidaasi waxaa ku soo afjarmay sheekadii Jubbaland ay hadba fagaarayaasha siyaasada la fadhiisan jirtay!

Jubbaland, waxaa ku soo dumay darbi siyaasadeed oo hor leh iyadoo xaalada wadanka kala guur ay tahay ayaa siyaasadii Gedo ay toos u gashay gacanta dowlada, jubbada dhexe waxaa gacanta ku haya oo maamula Argagixisada Alshabaab, jubbada hoose ma wada maamusho oo badi waxaa gacanta ku haya Shabaabka, kismaayo oo ah magaalada kaliya ee Jubbaland ay si dhameestiran u maamusho hadana magaalada waxay u eg tahay jasiirada, waayo waxaa lagu galaa loogana baxaa diyaarad ama doon, isla gudaha magaalada ayaa hadana aysan dadku xorriyad hadal ku heysan oo ay la nool yihiin cabsi gelin, dilal qorsheesan oo badi loo ekeesiiyay hab shabaabka ay dadka u laayaan iyo ka ceyrin ama musaafurin hadba qofkii ku dhiirada si un inuu u dhaliilo maamulka Axmed madoobe ee kismaayo ku soo koobtay, siyaasiyiinta gedo mataleesay kuwoodii ugu badnaa Axmed Madoobe way ku kala tageen aragtida maamul ee deegaanka lagu hogaaminayo, horey waxaa uga tagay wasiir ku xigeenkii arimaha gudaha, wasiirkii hore ee qorsheenta iyo hada oo uu ugu danbeeyay Cabdirshiid Xasan Janan oo ahaa wasiirkiisii Amniga, garab adagna u ahaa siyaasadiisa qaloocan,  heshiiskii Janan wuxuu noqon doonaa mid soo af jartay siyaasadii ma dhalayska aheyd ee Axmed Madoobe dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku hogaaminayay Jubbaland.

F.G Qormadan kama turjumeyso aragtida Allbanaadir, waxa ay gaar u tahay qoraha ku saxiixan

Fatuma Yasin Omar
Fatumayasin2019@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -